Madaxweynaha Dooran ee Dalka Mareykanka ayaa La filayaa in uu Xilal kala duwan oo Muhiim ah Magacaabo,

Date:

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu xoghayihiisa arrimaha dibedda u magacaabo diblomaasi ruug cadaa ah oo lagu magacaawo Antony Blinken, sida ay qoreen warbaahinta Dalkaasi.

Bloomberg, The New York Times iyo dhowr hay’adood oo kale oo kuwa wararka fidiyo ah ayaa ka warbixiyay qorshaha magacaabista Blinken Isniinta, maanta ah iyagoo soo xiganaya ilo aan la shaacin oo ku dhow madaxweynaha la doortay.

Blinken, oo 58 jir ah, wuxuu soo noqday kuxigeenka xoghayaha arrimaha dibadda iyo kuxigeenka lataliyaha amniga qaranka ee dowladdii Madaxweyne Barack Obama, oo joe Biden uu kasoo noqday madaxweyne ku xigeen.

The New York Times War ay ka qortay Mr Blinken ayaa ugu yeedhay “difaaca xulafada caalamiga ah” iyadoo sheegtay in la filayo inuu isku dayo tartan cusub oo ay la galaan Shiinaha haddii loo magacaabo Xilka Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareyanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Iyana werisay warka ku saabsan magacaabista Blinken waxayna sheegtay in loo baahanayahay xaqiijin iyo in laga warsugo shaacinta Wareegtada oo maalinta Talaadada.

Joe Biden ayaa sidoo kale waxaa lafilayaa inuu u magacaabo Xubno kale oo aad ugu dhaw, Sida Michele Flournoy oo loo magacaabay Xoghayaha Difaac, Jake Sullivan, ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo lataliyaha Amniga Qaranka, sida ay qortay warbaahinta Mareykanka, halka Linda Thomas-Greenfield, oo ah Haweenay 35 sano jir ruug cadaayad howlaha Dibada ah, la filayaa in loo magacaabo safiirka Washington ee Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...