Shirka Hoggaamiyeyaasha Wadamada G20 ayaa dib u taageeray helitaan caalamiga ah ee ‘loo siman yahay’ ee tallaalka COVID-19.

Date:

Hoggaamiyeyaasha 20-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ballan-qaadaya Axadda maanta ah si loo hubiyo in si caddaalad ah loogu qaybiyo tallaallada COVID-19, dawooyinka iyo tijaabooyinka adduunka oo dhan, sida ku xusan war-murtiyeed qabyo ah oo ay soo saareen, si loogu  taageero waddamada saboolka ah ee la daalaa dhacaya ka-soo-kabashada cudurka faafa ee coronavirus.

Cudurka faafa ee ‘COVID-19’, ayaa dhaqaalaha adduunka ku tuuray hoos u dhac aad u qoto dheer sannadkan iyadoo loo baahanyahay dadaalo dheeri ah si loo xoojiyo dib-u-soo-kabashada dhaqaale ee 2021, Arrinta ayaana ahayd kuwa ugu sarreeya ee ajandaha Shirkan.

“Wax dadaal ah ugama hari doonno sidii aan u hubin lahayn helitaankooda iyo sinnaanta ay u heli karaan dadka oo dhan, iyadoo la raacayo ballanqaadyada xubnaha ee dhiirrigelinta hal-abuurnimada,Waxaan aqoonsannahay doorka tallaalkan ballaaran inuu yahay wanaag guud oo caalami ah” ayay hoggaamiyeyaasha G20 ku sheegeen dukumintiga qabyada ah oo ay soo saareen islamarkaana Nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhibaatooyinka mataanaha ah ee aafada iyo soo-kabashada aan la hubin ee caalamiga ah ayaa hareeyay maalintii ugu horreysay ee shirkan oo laba maalmood socday kaasoo uu guddoominayay Dalka Sacuudi Carabiya, Islamarkaana ku wareejinaya madaxtinimada G20 Dalka Talyaaniga bisha soo socota.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa sheegay “Waxaan ku rajo weynahay horumarka laga sameeyay horumarinta tallaalka, qalabka daaweynta iyo qalabka baaritaanka ee COVID-19, laakiin waa inaan ka shaqeynaa abuurista xaaladaha helitaanka qalabkan oo la awoodi karo oo loo siman yahay dhammaan dadka Dunida oo dhan ayuu ku yiri khudbadiisii ​​furitaanka shirka.

“Waxaa waajib nagu ah inaan kor u qaadno caqabadda si wada jir ah inta lagu guda jiro shir madaxeedkan oo aan farriin adag oo rajo iyo kalsooni siinno dadkeenna annaga oo qaadaneyna siyaasado lagu yareynayo dhibaatadan,” ayuu u sheegay hoggaamiyeyaasha adduunka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...