Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo dib u hagaajin ku samaynaya qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda+(SAWIRRO).

Date:

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa maanta oo Sabti ah shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, waxaana loogaga hadlay dib u habaynta qaab dhismeedka maamul, si loo horumariyo howl-gudashada, lana wanaajiyo jawiga shaqada si ka qeyb qaadan karta hirgelinta howlaha si hufan, taabagelinaysana awoodaha iyo qaadashada go’aan habsami leh.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa sheegay in dib u hagaajinta qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda ay la jaanqaadeyso aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble si loo gaaro ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee xakamaynaya, midaynaya, sidoo kalena is-waafajinaya howsha si loo horumariyo adeegyada qunsuliyadeed iyo waxqabadka shaqo, iyada oo loo marayo hay’ad dhisid hufnaan iyo waxtar leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...