Xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Jowhar+(SAWIRRO).

Date:

Munaasabadani, lagu weeyneynayay maalinta Macallimka Soomaaliyeed oo ku beegan 21ka November ayaa lagu qabtay caasimadda Hirshabeele,ee magaalada Jowhar, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle,iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munasabadda lagu maamuusayo maalinta Macallimka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo,Agaasimay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Hirshabeelle.ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay macallimiinti ka soo qaybgalay, qaybihii kala duwaanaa,ee bulshada,iyo ardaydii xafladda lagu casuumay, kuwaasi oo ka hadlay muhiimadda uu macallinka u leeyahay bulshada.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Hirshabeelle oo xafladda ka hadlay ayaa  halkaasi ka jeediyay khudbado ay ku dhiirigelinayaan Macalimiinta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle mudane Cabdullaahi Abuukar Xuseen ayaa munaasabadda 21-ka November awgeed hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...