Wasiir Duraan Faarax: โ€œDalkeenna wuxuu is beddel ku gaari kara dib u heshiisiin iyo midnimoโ€

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug maanta kaga qeybgalay kulan soo dhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo maamulka degmada Galdogob.

Kulankan oo qado ahaa ayaa lagu boggaadiyay dadaallada wasiirka ee ku aaddan nabadeynta ,dib u heshiisiin iyo horumarinta gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan qeybaha bulshada oo isugu jiray, aqoonyahanno,dhallinyaro iyo haween.

โ€œDuraan saddex bilood ka hor wuxuu gobolka Mudug joogay muddo dheer isagoo waqtigaa u bixinayay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada gobolka, maanta oo uu wasiir soo noqday wuxuu inoo yimid isagoo sida barnaamijyo horumarineed oo bulshada nugul,beeralayda iyo danโ€™yarta taageeraya,waxaan qirayaa inuu yahay qof ay ka goโ€™antahay is beddel ka dhaca gobolka, waxaan u sheegaya inay bulshada gobolka jecelyihiin oo ay garabkiisa joogsanayaan.โ€ ayuu yiri Suldaan Maxamed Axmed Faarax.

Caaqilย  Cali Ciise Cali, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa dhankiisaย  sheegay qodobbo dhowr ah oo uu ku ammaanay wasiirka inuu ka qabtay gobolka Mudug.

โ€œGobolkan iyo deegaankan wuxuu u baahanyahay qof sida Duraan Faarax oo kale ah kuma ammaaneyno balse isagoo oo aan xil heyn waxaan ogeyn sida uu dadaalka iyo masโ€™uuliyada isaga saarayay in laga gudbo marxaladihii kala duwanaa ee deegaankan ka dhacay, sida horumarinta waxbarashada,dhallinyarada iyo nabdeynta.โ€ ayuu yiri Caaqil Cali Ciise.

Wasiir Duraan ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka,waxgaradka, qeybaha bulshada ivo maamulka degmada Galdogob maamuska ay ku soo dhaweeyeen , wuxuuna caddeeyay inuu diyaar u yahay howlihii uu gobolka ka hayay ee nabadeynta iyo horumarinta ay ugu horreysay inuu labo jibbaari doono.

โ€œMaanta waxaan masโ€™uuliyad u qaadday bulshada Soomaaliyeed iyo dadka gobolka, waxaan mar walba diirrada saarayay in guud ahaan dalka uu ka dhaco is beddel horumarineed oo wax u tara dalka iyo qeybaha bulshada, taas ayaan hadda xoojin oo aan doonaya inan labo jibbaaro, waxaan dadaalka u bixinayay waxaan fahansanahay sida ay dalka iyo dadkeenna muhiim ugu tahay midnimada iyo wadajirka.โ€ ayuu yiri wasiir.

Wuxuu soo hadal qaatay barnaamijyo horumarineed ee deegaanka dhowaan ka fulaya, wuxuuna kula dardaarmay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka in la xoojiyo midnimada ,dib u heshiisiin iyo caddaaladda.

โ€œDegmada Galdogob waxay dhowaan odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada heli doonaan dhisme u gaar ah , dhallinyarada iyaguna waxaan ugu bishaareynaya inuu meel wanaagsan noomarayo dadaalka dib loogu dhisayo dugsiga farsamada gacanta ee degmada, waxaa sidoo kale socda sidii bulshada deegaankan ay u heli lahaayeen garoon diyaaradeed oo baahidiisa ay ka jirto dhulkan.โ€ ayuu raaciyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa toddobaadkan socdaal shaqo ku jooga deegaannada Puntland, wuxuuna kormeer ku tagey deegaanno miyi ah iyo tuullooyin ay ka socda labada mashruuc ee taageeraya qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

La-taliyaha Amniga Qaranka: Dowladdu waxay dejisay qorsheyaal lagu wiiqayo khawaarijta

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa furay...