Booliska gobalka Bari ayaa sameeyay howgal amaanka lagu xaqiijinayo.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qaybta Booliiska Gobalka Bari ayaa lagu sheegay in Howlgal lagu xaqiijinayo amniga laga sameyay cawa gudaha magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.

Howlgalkan oo ay iska kaashanayeen ciidamada Policeka Gobalka Bari,PSF iyo PMPF waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud ujeedka Howl galkan ayaa lagu sheegay xaqiijinta amniga bosaso xili dhawaan lagu qabanayo dorashada xildhibaanada aqalka hoose ee DFS.

Howlgalkan amni inta uu socday waxay ciidamadu ku soo aruuriyeen hubka sida sharci darada loo wato ,waxaa sido kale lagu baarayay gawaarida iyadona laga fiiqayay bacaha madow ee lagu dhagsado baaburta.

Taliyaha Qeybta Gobalka Bari G/sare xuseen cali maxamuud ayaa shacabka uga mahadceliyay siday ciidamada ula shaqeynayaan amniga magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...