(AKHRISO) Macallinka waa Musbaaxa Dunida-(Warbixin).

Date:

21-ka November waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanad guuradii 46aad maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta  oo Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii ayaa dowladdii Soomaaliya u astaysay 21ka November maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, iyadoo la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaa ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ), ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhaxda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud Axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen waxbarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii Ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xorriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macallinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabbaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha ama macalimiinta Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkaysanayay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macallinka Soomaaliyeed,Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada.Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

W/Q: Gobdoon. 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...