Wasiirka Shaqada JFS oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Degmada Galdogob+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.

Kulanka oo ka qabsoomay hoyga uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta deegaanka  iyo xoojinta shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim tahay waji saddexaad ee shirkaa.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Wasiirka  uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid degmada Galdogob,wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada, iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulanka uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka uga warbixiyay qorshaha socdaalka uu ku yimid degmada Galdogob iyo guud ahaan deegaannada Puntland , ayaa u sheegay inuu dadaal gelin doono dhaqangelinta dib u heshiisiinta bulshada , horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.

Wasiir Duraan, ayaa ku boggaadiyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hannaanka wanaagsan ee xasillinta iyo horumarinta deegaanka, ayaa kula dardaarmay  in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda midnimada,wadajirka iyo adkeynta ammaanka.

Kulanka uu Wasiirka la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degmada Galdogob ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Galdogob, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo xubno kale oo ka tirsan qeybaha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...