Guddiga isutagga shirkadaha diyaaradaha oo war kasoo saaray canshuurta Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho.

Date:

WAR SAXAFADEED

Haddaba Isutagga  Shirkadaha Diyaaradaha Somaliyeed  oo ah  mid ay hoos  yimadaan kuna midobeen  tiro kor u dhaafeysa 70% dayuuradaha rakaabka  iyo  kuwa xamuulka ee ka  hawl-gala garoonka Aadan  Cadde ayaa  war-saxafdeedkan  waxa ay ku caddeynayaan.

In aysan la wadagin mas’uliyiinta guddiga kor ku xusan arragtida iyo eedeymaha  loo soo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadda  Favori ee ka gashaya Garoonka Aadan Cade qodobada hoos ku xusan.

Isutaggu wuxuu halkan ku caddeynayaa in uruurinta  lacagaha adeegyada iyo          cashuuraha ay qabato shirkadda Favori yihiin kuwo waafaqsan sharciga kana  mid ah  qodobada heshiiska  Favori  iyo Xukuumadda  Somaliyeed ayna xaqiiqada ka fog tahay in kuwaasi yihiin  ku  takrifal sida hadalka  mas’uliyiinta guddigu u ekeysiyeen.     .

Isutaggu wuxuu qirayaa in muddadii ka dambeysay hirgelinta heshiiska          xukuumadda  Somaliyeed  iyo Shirkadda Favori  hirgalay,la dareemay kor-u-kac muuqda oo ku yimid  Dhaqaalah ka soo xerooda garoonka Aadan Cade.

Isutaggu wuxuu qirayaa in iyadoo ay jiraan xaalado adag oo uu  keenay cudurka COVID19 haddana ay muuqdaan  hawlo baaxad weyn leh sida buuxinta qeybta badda, gaar ahaan ballarinta garoonka.

Ugu dambeyn, Isutaggu wuxuu qirayaa in ay jiri karaan dhaliilo iyo hawlo sixitaan u baahan, taasna loo baahan yahay in goobaha munaasabka ah looga wada

Gudddomiyaha  Isutagga Shirkadaha Diyuuradaha Somaliyeed Maxamed Diini.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...