Dhaqaatiir ka socota Soomaali iyo Turki oo Muqdisho ka bilaabay Kulamo caafimaad oo aqoon kororsi ah.

Date:

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa maalinimadii shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay kulan aqoon kororsi ah oo ay ka soo qeyb galeen xirfadlayaal caafimaad oo isugu jira Somaali iyo Turki.

Safiirka Turkiga oo ka hadlay xafladdi furitaankaoo ka dhacday  Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Erdigaan ex Digfeer,ayaa  hambalyo u jeediyay qeybaha dhallinyarada caafimaadka ee ka qeygaalaya kulanaasi,wuxuuna kula dardaarmay in hibadooda aqoooneed ay ku dabaqaan adeegyada caafimaad ee ay u hayaan shacabka.

Intii ay munaasabaddu socotey, dhakhaatiirta da’da yar ee Soomaaliyeed waxay soo bandhigeen aqoonta ay u leeyihiin   xirfadaha caafimaad  iyo kaalinta ay ka qaadan karaan adeegyada lagama maarmanka u ah badbaadinta shacabka.

Turkiga waxa uu  si weyn uga qeyb qaatay hagaajinta nidaamyada caafimaad ee Soomaaliya sida dib u  dhiska isbitaalada, tababaridda ardayda caafimaadka iyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

sanadkii 2015-kiiMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Soomaali-Turki (ex Digfeer).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...