Ciidanka Azerbaijan oo gudaha ugalay Degmada Aghdam kadib hishiiskii xabad joojinta+(SAWIRRO).

Date:

Ciidanka Azerbaijan ayaa sheegay inay gudaha ugaleen degmada Aghdam, oo ah tii ugu horeysay seddexdii ay dib u celiso Armenia iyadoo qeyb ka ah heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka uu ka yahay  Ruushka si loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Nagorno-Karabakh.

“Cutubyo ka tirsan Ciidanka Azerbaijan ayaa gudaha galay gobolka Aghdam 20, Noofambar oo maanta sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Azerbaijan waana degmo ku dhowaad 30 sano ka arriminayeen kooxaha gooni u goosadka ee Armenia.

Iyadoo qeyb ka ah heshiiskii nabadeed ee usbuucii la soo dhaafay, Armenia waxay ogolaatay inay dib u celiso qaar ka mid ah 15 illaa 20 boqolkiiba dhulkii Nagorno-Karabakh ee ay qabsatay Azerbaijan dagaalladii ugu dambeeyay, oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Shusha.

Armenia waxay sidoo kale ku wareejin doontaa degmada Kalbajar ee u dhaxaysa Nagorno-Karabakh iyo Armenia sido kale 25 bishaan  iyo degmada Lachin ugu dambayn 1da bisha soo socota.

Is-weydaarsiga dhulku wuxuu markii hore ahaa inuu bilowdo Axadda, iyadoo Armenia ku nool degmada Kalbajar ay u carareen si wada-jir ah ka hor inta aan la gaarin xilliga rasmiga ah ee la wareegidda Azerbaijan.

Laakiin Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa dib u dhigay waqtigii loogu talagalay oo ah hal toddobaad isagoo tixgalinaya “bani’aadamnimada”.

Xiisadii u dhaxeysay wadamadii hore ee Midowgii Soofiyeeti ayaa gaartay meeshii ugu sareysay September 27, markii isku dhacyada Azerbaijan iyo ciidamada qowmiyada Armenia uu ka qarxay deegaanka Nagorno-Karabakh iyo deegaannada ku xeeran.

Nagorno-Karabakh waxay ku taal Azerbaijan laakiin waxaa sanado badan haystay qowmiyadaha Armenia.

Inta badan degmada Azerbaijan ee koonfur-galbeed ee Aghdam waxay ku jirtay gacanta kooxaha gooni u goosadka ah ee Armenia ilaa 1993. Dagaalkii Soofiyeeti ka hor, waxaa ku noolaa ilaa 130,000 qof – oo u badan qowmiyadaha Azerbaijan oo laga saaray guryahoodii.

Iskahorimaadkan oo socday muddo lix toddobaad ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1000 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo labada dhinacba ka tirsan.

10-kii Nofeembar, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo lagu joojinayo dagaalka isla markaana looga shaqeeyo sidii xal buuxa loo gaari lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...