Xuska Munaasabadda nadaafada waarta iyo halista isbedelka cilimadda gaar ahaan dadka barakacayaasha oo lagu qabtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool+(SAWIRRO).

Date:

Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha dowlad goboleedka soomaaliya oo kaashanaysa hay’adaha feydhowrka ka shaqeeya ee ka howgala magaalada xuddur waxay qabatay Xuska Munaasabadda nadaafada waarta iyo halista isbedelka cilimadda oo loogu gonleeyahay in layareeyo xanuunada ka dhasha nadaafadarida, waxana ka soo qeyb galay maamulka gobolka, maamulka degmada, hay’adaha feydhowrka ka shaqeeya iyo bulshada inteeda kale.

Isuduwaha Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Konfurgalbeed ee gobolka bakool Cabdulaahi Nuur Maxamed ayaa sharaxay ujeedada ka dambeysa in maalin loo asteeyo musqulaha.

Qaar ka mid ah dadka ka soo qeybgalay ayaa ka hadlay baahiyaha ay uqabaan in ay helaan musqulo iyo biyo ku filan.

Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xuddur Mustaf Aadan iyo Guddoomiye kuxugeenka amniga iyo dhaqaalaha gobolka bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur oo bulshada ku dardaarmay in ay nadaafada ilaaliyaan ayaa dhanka kale hay’adaha faray in kaamamka ay degan yihiin barakacayaasha ay si dhow ula socdaan xaaladeeda nadaafadeed.

Intaa ka dib wasaarada tamarta ayaa saabuun uqeybisey barakacayaasha ku sugan kaamka dhiil ee Magaalada xuddur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...