Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Xalinta Khilaafaadka.
R’iisul wasaare Rooble oo howl-geliyey guddiyada doorashooyinka heer Federaal ee maamulka iyo Xalinta Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’isul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubnaha guddiyada kula dar daarmay inay si daacad ah ugu adeegaan bulshada isla markaana waajibaadka loo ekmday.