Xuska Maalinta Musqulaha Aduunka oo ku beegan 19 November ayaa Sanadkan Halku Dhig u ah “Nadaafad Waarta iyo Isbadalka Cimilada”.

Date:

Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinka musqulaha aduunka oo qaramada midoobe xusto sanad kasta 19 November.

Muhiimada maalinkan ayaa ah in dadka iyo dowladaha lagu baraarujiyo muhiimada nadaafada iyo sidii loo helo lahaa deegaan badqaba.

Sanadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay nadaafad waarta iyo isbadalka cimilada

Qaramada midoobe waxay sheegtay in 40% dadka aduunka aanay heysan adeega faraxalka,saabuun iyo biyo ku filan oo guriga ugu jira .

297,000 oo ah caruur ka yar shan sano ayaa sanad kasta u dhinta sida ay qaramada midoobe sheegtay shuban iyo cudarada la xiriira nadaafad darada iyo in ay cabaan biyo aan nadiif ahayn oo wasaqeysan.

Dalkeena soomaaliya waxaa heyada UNICEF ay sheegtay in 900 oo caruur ah kuwaas oo ka yar shan sano ay u dhinteen shuban iyo cudurada ka dhasha biyaha aan nadiifka ahayn sadaxdii sano ee ugu danbeysay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...