Dalka Mareykanka: kororka Covid 19 oo sababay in la soo rogo xayiraado hor leh.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Mudane Tim walz Ayaa caaway soo saaray amaro lagu xirayo goobbaha laga adeegto sida maqaaxiyaha,goobaha ciyaaraha & baararka.
Go’aanka Gudoomiayaha Gobolka yaa waxaa ka hadlay Somali badan oo isugu jirta siyaasiin,ganacsato & qaar ka mid ah shaqaalaha goobaha laga adeegto.

Tallaabadaan ayaa timid xilli tirade dadka Mareykanka ee u dhintay cudurka COVID-19 ay gaarayaan 250,000,sida uu ku soo waramay wakiilka war-baahinta qaranka ee dalka maraykanka Abdihakim Abdi Ismail,

Dhinaca kale,In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmarka coronavirus.

Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil cudurka corona ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa  130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen safmarka coronavirus.

Arbacadii, madaxweynaha la doortay Joe Biden waxaa uu ka dhigay, “ Ma heysano waxyaabo badan  oo aan kaga hor tagno sida qalabka la isaga ilaaliyo tallaalka COVID-19.

Magaalada New York waxaa la xirey dugsiyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Mareykanka arbacadii, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 qof oo dhimasho ah iyo 150,000 oo kiisas cusub ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...