Dowlada Masar oo muwaadiniinteeda kala baxday gobolka Tigreega ee Itoobiya.

Date:

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay kala soo baxday 9 qof oo ka mid ahaa muwaadiniinteeda kuna go’doonsanaa gobalka Tigreega ee ee ay ka socdaan dagaalada dalka Itoobiya,

Safaaradda Masar ee Itoobiya oo warbixin kaoo saartay arrintaan ayaa sheegtay in lagu guuleystay in muwaadiniin Masaari ah laga soo saaray magaalada Mekele ee xarunta u ah gobalka Tigreega.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in dadaalka looga soosaray muwaadiniintaan halkaas uu qaatay muddoo laba isbuuc ah, iyadoo ay gacan wayn ka geystayn Qaramada Midoobe, Laanqeyrta Cas iyo dowladda Itoobiya.

Safaaradda ayaa ugu baaqday muwadiiniinta kale ee jooga gudaha Itoobiya inay muujiyaan degganaan, xiriirna la lahaadaan maamulka safaaradda si loo caawiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...