Ra’iisul wasaare xigeenka Itoobiyo oo maalmihii u dambeeyay safar Gobolka ah ku jira ayaa la kulmay Madaweynaha Rwanda.

Date:

Ra’isulwasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonne ayaa saakay maagalada Kigali ee xarunta Rwanda kula kulmay madaxweynaha dalkaasi Paul Kagame.

Waxa ay ka wada hadleen xaalada gobalka tigreega ee waqooyiga itoobiya halkaas oo dagaal socda 15 cisho uu ku dhaxmarayo ciiidanka dowlada iyo kuwa ismaamulka tigreega.

Madaxweyne Kagame ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in nabada iyo xasiloonida la soo celiyo oo xiisada la qaboojiyo.

Demeke Mekonne ayaa sheegay in kooxda TPLF ay ku xadgudbeen dastuurka itoobiya iyaga oo doorasho aan sharci ahayn qabsaday.

Wuxuu tilmaamay in ay dalka ka abuureen colaad iyo rabashado islamarkaana ay shaki galiyeen sharciyada dowlada dhexe kadib markii ay warareen taliska waqooyi ee ciidanka itoobiya .

Ra’isulwasaare ku xigeenka itoobiya ayaa wada dadaal uu madaxda afrika ku qanciyo in waxa ka socda itoobiya ay yihiin howlgal sharciga lagu soo celinayo

Wuxuu horay u booqday wadamada Kenya iyo Uganda halkaas oo uu kula kulmay madaxda hogaamisa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...