Suudaan oo qorsheyneysa inay muwaadiniinteeda kala baxdo gobalka Tigreega ee Itoobiya.

Date:

Dowladda Suudaan ayaa qorsheeyneysa inay muwaadiniinteeda   kala soo baxdo dalka Itoobiya,gaar ahaan gobalka Tigreega oo ay ka socdaan dagaallada dhowaan ka bilowday dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan la socoto xaaladda muwaadiniinta ku sugan gobalka Tigreega, inkasta oo gobalka laga jaray isgaarsiinta.

Bayaanka ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay is dejiyaan inta safaarada Suudaan ee dalkaas dhamaystireyso qorshaha lagu soo qaadaayo.

4-tii November, waxaa gobalka Tigreega ee Itoobiya ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidmada Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega kaas oo sababay in dad fara badan ka qaxaan gobalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...