Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane eng.Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shirka dib u eegista iyo qiimaynta mashuurca lagu xoojinayo tayada waxbarshadda dalka iyo sidoo kale tababaradda macallimiinta Soomaaliyeed ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada dalka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada mudane axmed xasan yuusuf iyo agaasimayaasha waxbarashada maamul gobaleedyada dalka iyadoo laysku xogwareysanayay heerka waxbarashada iyo sida iskaashiga looga sameyn karo.
Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo xubno ka socday midowga yurub.
mashuurcaan waxaa maal-galiya midowga yurub waxana ka soo qayb galay wasaaraddaha waxbarashada maamul goboleedyadda dalka iyo hay’addaha fuliya mashuurcan.