Wasaarada Qorsheyta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha JFS oo Hashiisyo la saxiixtay Hay’adda IFC oo xubin ka ah World Bank Group.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumariunta Dhaqalaha XfS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta la saxiixday laba heshiis oo lagu caawinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dhiirrigeliyo maal-gashiga gudaha iyo kan Ajaanibta IFC oo xubin ka ah WorId bank Group,

Hadafka ugu weyn ee heshiiskan waxa ay tahay horumarinta adeegyada bulshada, abuurista shaqooyin iyo kobcinta dhaqaale ee dadka Soomaaliya.

Heshiiskan, oo ah kii ugu horreeyay ee ay kala saxiixdaan IFC iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uu bixiniyaa khariidad waddo oo lagu horumarinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, taas oo loo arko inay fure u tahay mustaqbalka dhaqaale ee dalka.

Heshiiska ugu horreeya, oo ay la saxiixtay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa lagu arki doonaa IFC oo saraakiisha kala talin doonta dib-u-habeyn sharci oo taxane ah oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo maal-gashiga gaarka loo leeyahay ee Tamarta, Tikniyoolajiyadda Isgaarsiinta Macluumaadka, iyo qeybaha kaabayaasha Warshadaha.

Maalgashigaas waxaa loo arkaa inay muhiim u yihiin hagaajinta adeegyada bulshada ee Dalkeena, Heshiiska labaad ee u dhexeeya IFC iyo dowladdu wuxuu wax ka qabanayaa jawiga sharciyeynta ganacsiga wuxuuna gacan ka geysanayaa kobcinta hufnaanta ganacsiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...