Hay’adda Culumada Al-Bayaan oo Kulan Wacyi galin ah u Qabatay Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Konfur Afrika+(SAWIRRO).

Date:

Hay’adda Culumada Al-Bayaan ee Pretoria ayaa kulan u qabatay Madaxda Safaaradda iyo Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada Dalka Konfur Afrika waxaana loogu hadlayay isku xirka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Pretoria iyo Safaaradda.

Kulankan oo ahaa mid is xog wareysay ayaa diirada lagu saaray dhibaatooyinka Jaaliyadda gaar ahaan bilaha November iyo December ee sanad dhamaadka waana xilliyada ugu badan dilalka iyo dhac loogu geysto ganacsatada Soomaalida tuulooyinka dalkaasi.

Waxgaradka iyo Ganacsatada ka hadlay kulankan waxa ay Madaxda Safaaradda ka codsadeen inay ka caawiso dhibaatooyinka xagga Waxbarashada dhallaanka soo koraya, Cisbitaalada oo hooyooyinka qaarkood cabasho ka muujiyeen iyo Sharciyada.

Danjire Maxamed Cali Mire ayaa ugu mahadceliyay Culumada Al-Bayaan kulankan ay u qabatay Safaaradda iyo Ganacsatada magaalada Pretoria, waxa uu Danjiruhu ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan xiriirka Dowladda K/Afrika iyo Ganacsatada isagoo dhan kale ka codsaday ganacsatada inay dhistaan Jaaliyad isku xiran.

Intii uu kulanka socday waxaa jiray su’aalo ku saabsan adeegyada ay bixiso Safaaradda dadkii kasoo qeybgalay qaarkood ,waxaa ayaa lagu ballamay in la joogteyn doono kulamada noocani ah ee isku xirka Jaaliyadda Pretoria iyo Safaaradda.

WD:C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...