Itoobiya ayaa sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku sugnaa gudaha Itoobiya.
Laamaha amaanka iyo sirdoonka Itoobiya oo iskaashanaya ayaa sheegay in ay xireen 14 xubnood oo qorsheynayay weeraro ka dhaca Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Kooxahan ayaa sidoo kale la sheegay in ay qoranayeen dad u shaqeeya oo weerarada u fuliya.
Dadka la qabtay waxaa ka mid ah Abdul Abdi Jemal oo la sheegay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab kaas oo dhawaanta soo galay magaalada Addis Ababa
Xubnaha kale ee la xiray waxaa ka mid ah Abdrohman Aden Abubeker, Muktar Gab Gosa, Gama Direye Abdi, Shiek Ahmed Nur Mohammed Ousman, Kusow Aden Hussien, Mohammed Hassen Aden Oumer iyo Redwan Muhad.