Dowlada Itoobiya ayaa ka hadashay Weeraro Hoobiyaal ah oo lagu qaaday Garoomo Diyaaradeed.

Date:

Dowlada itoobiya ayaa sheegtay in weerar hoobiye yaal ah lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Bahir Dar iyo Gondar ismaamulka Amxaarada itoobiya .

Madaafiicda ayeey dowladu sheegtay in ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee garoomada halkaas oo qasaare ay u geysteen.

Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkaasi oo ay dowladu ku eedeysay kooxda TPLF oo ay sheegtay in ay ku jirto rafashadii ugu danbeysay.

Garoonka magaalada Bahir Dar ee loo yaqaan Ginbot 20 waxaa magaalada uu dhanka galbeed kaga beegan yahay 8KM.

Garoonka Gondar ayaa isna magaalada 18Km kaga beegan dhanka koonfureed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo iyo wax u muuqday rasaas la is dhaafsanayo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...