Wasiirka Haweenka oo Baydhabo Ku Qabatay Shir Looga Hadlay Doorka Dumarka ee Siyaasadda+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qeybgashay shir qeyb ka ah kulamo isadaba joog ah oo wasaaradda ugu ololeynayso qoonddada haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda, kaas oo loo qabtay haweenka Koofur Galbeed.

Wasiirka oo hogaaminaysa wefdi xildhibaano ah oo k tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo isu xil saaray u qareemidda xuquuq siyaasadeedka dumarka, gaar ahaan ilaalinta qoonddada 30% ah oo ay ku leeyihiin golliyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa dadkii ka hadlay waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hanaanka ay wax u waddo wasaaradda haweenka Soomaaliya oo ay hormuud u tahay wasiir Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Koofur Galbeed, Shamso Maxamed Yarow, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybashay kulanka ayaa sheegtay in xuquuq siyaasadeedka dumarka Soomaaliyeed aan wax gor gortan ah la gelinin, iyadoo xustay in Koofur Galbeed ay arrintaas hormuud u tahay.

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, Fahiima Cismaan, ayaa dhankeeda sheegtay in haweenka looga baahan yahay in ay geesinimo la yimaadaan si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) wasiirka haweenka Soomaaliya, ayaa shirka ka sheegtay in magaalada Baydhabo noqotay meeshii labaad oo ololaha haweenka lagu qabtay isla markaana ay farxad gaar ah u tahay arrintaas.

Waxay sidoo kale xustay in Koofur Galbeed ay tahay meesha ugu badan oo ay ka yimaadeen haweenka ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ku amaantay hogaanka Koofur Galbeed oo arrintaas suurtageliyay.

Wasiirka haweenka Soomaaliya ayaa tilmaantay in haweenka ay yihiin kuwa ugu horeeya oo ay saameeyaan sharciyada dalka loo sameynayo sidaas awgeedna waajib tahay in haweenka door ku yeeshaan.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa waddo olole daaran sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliya oo ah 30%, wasiir Xaniifa oo arrintaas ka duulaysa ayaana hormuud u ah ololahaas wasaaraddu ku qaban doonto gobolada dalka, sida uu qorshuhu yahay.

Kulankan maanta waxaa ka qeybgalay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed, wasiirada waxbarashada, diinta iyo awqaafta Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...