Hay’adda IOM oo sheegtay in 74 muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Libya.

Date:

Heyada socdaalka Qaramada Midoobe ee IOM ayaa sheegtay 74 muhaajiriin ah ay dhinteen kadib markii doon siday ay ku burburtay xeebaha magaalada Khums ee dalka Libya.

Doonta ayaa la sheegay in ay saarnaayeen 120 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar iyo dumar.

Ilaalada xeebaha iyo kaluumeysato ayaa soo badbaadiyay 47 qof waxaana la helay meydadka 31 qof oo kale.

Waxaa soconaya gurmad iyo baaritaan si loo helo dadka la waayay nolol geeri sida ay sheegeen shaqaalaha qaramada midoobe.

19 qof oo caruur ay ku jiraan ayaa ku dhimatay labadii cisho ee ugu danbeysay doonyo ku dagay badda Mediterraneanka waxaana la soo badbaadiyay 200 oo qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...