Boqorka Sucuudi Carabiya oo adduunka ku Boorriyay in ‘mawqif adag’ laga qaato Iran.

Date:

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa aduunka ku booriyay in ay qaataan “go’aan adag” si wax looga qabto dadaalada ay wado Iiraan ee lagu horumarinayo Barnaamijyada Nukliyeerka iyo gantaalaha Ballistic, khudbadiisa sanadlaha ah ee uu ka horjeediyo hey’adda ugu sareysa ee talada dowlada ama (Gulaha Shuurada).

Boqorka ayaa carabka ku adkeeyay qatarta mashruuca Iiraan ee gobolka, faragalinta ay ku hayso wadamada kale, kobcinta argagixisada, kicinta dab diimeedka waxayna ku baaqeysaa in bulshada caalamka mowqif adag ka qaadato Iiran taas oo damaanad qaadeysa in si adag wax looga qabto dadaalada ay ku dooneyso inay ku hesho, hubka wax gumaada iyo inuu horumariyo barnaamijkiisa gantaalada ballistic-ga, ”ayuu yiri boqorka.

Dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan ayaa waxaa si weyn uga dhaxeeyo cadaawad mudo dheer taagneyd iyagoo sidoo kalana ku Loolamaya Awoodda Gobolka Bariga dhexe waxaa jirta Eedeymo labada dhinac ay isku jeedinayaa oo ku aadan Iiraan oo Taageerta Huutiyiinta halka Dowlada Sacuudiga lagu eedeynayo gacan siinta Kooxaha Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...