Biya qabadka Warta degmada Boondheere oo buuxdhaaftay ayaa sababtay in biyuhu gudaha u galaan xaafadaha ka agdhaw+(SAWIRRO).

Date:

Roobabkii Ka da’ay Magaalada Muqdisho Maalmahii u Dambeeyay ayaa Sababay Fatahaad ay Sameyeen Bulaacadaha Ku yaala Magaalada Muqdisho Gaar Ahaan Bulaacadda Warta Boondheere ee Gobolka Banaadir oo ku Fatahday Qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada Boondheere Taasi oo Saameyn Ku yeelatay Nolosha iyo Caafimaadka Dadka Danta yar ee ku Nool Degmada Boondheere.

Bulaacadan Ku Taala Degmada Boondheere ayaa buux Dhaaftay Taasi oo Keentay in Xaafado Qaar ay Go’doon Galaan Guryahooda ay ugu galaan biyo xoog badan waxaa maamulka degmada boondheere oo kaashanaya kan gobolka Banaadir ay ku xireen warta matoor loogu tala galay in uu ka saaro biyaha ku jira warta iyadoo ay xiran yihiin ilaha biyo mareenada ee horay badda ugu shubi jiray.

Qaar ka mid ah Dadka ku Nool Degmaad Boondheere ayaa ka Hadlay Saameynta ay ku yeelatay fatahaada warta ay ku sameysay xaafadaha qaar waxayn sheegeen in guryaha ka agdhaw warta ay biyo badan ku soo celisay taasoo dhibaato xoogan kala kulmeen qoysaskii deganaa.

Raxma Maxamed Geedi oo ka mid ah howl wadeenada caafimaadka MCH-ka degmada boondheere ayaa ka hadashay dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah ee ka dhashay warta iyo sida ay saameysay bulshada ku nool degmada waxayna sheegtay in dhibaato caafimaad ay ka dhasheen biyaha oo isugu jira cudurada faafo sida malaariyada iyo hergabka iyo sidoo kale cudurada caruurta ku dhaca.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo culimada ku nool degmaad ayaa codsaday in loo dhiso goobaha biyo mareenada oo biyaha roobka badda ku shubi jiray taasi oo looga badbaadi karo saameynta iyo qasaaraha waxay sheegeen in biyahan halistoodu ay leeyihiin islamarkaana ay sababi karaa in caruurta ku harqadaan ama ku dhintaan.

Gudoomiye ku xigeenka siyaasada degmada boondheere Suldaan Maxamed Aweys Axmed ayaa ka hadlay saameynta warta iyo doorka Maamulka kaga aadan waxuuna sheegay in saameyn balaaran ay u geysteen Dad danyar ah oo ku noolaa qeyb ka mid ah meelaha ay biyuhu ku fataheen.

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...