Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub+(SAWIRRO).

Date:

Sida uu dhigayo qodobka 8aad ee heshiiskii Cotonou, dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan wadaxaajood siyaasadeed ah 11 November 2020, kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay wafdiga midowga Yurub, lana wadaagay muhiimmadda uu Soomaaliya u leedayahay xiriirka kala dhexeeya Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ay sida isku midka ah u daneynayaan ee ku saleysan ajandaha wadajirka ah ee lagu heshiiyay. Wadaxaajoodkan ayaa muujiyay wadashaqeyn heerkeedu sarreeyo oo ku dhacday jawi furan, saaxiibtinimo oo wax dhisaya.

Ajandaha shirka waxaa ku jiray arrimo khuseeya doorashooyinka soo socda iyo xiriirka ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka, dib u habeynta ciidamada ammaanka oo ay ku jirto dib u eegista qorshaha kala guurka (Transition Plan), dib u habeynta dhanka dhaqaalaha, iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo xuquuqul insaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku afgartay qabashada shirka amniga la xiriira oo ku dhici doona qaab fogaan arag ah, ayna isla guddoomin doonaan DFS, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkaas oo dhici doona 30-ka November 2020.

Gunaanadkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay dib u habeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga iyadoo Midowga Yurubna xaqiijiyay sida uu ugu heellan yahay ka qeyb qaadashada dadaallada qaran dhiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ammaantay kaalinta iyo ka qeyb galka Midowga Yurub ee dhanka ammaanka iyo hoggaanka sii kordhaya ee hay’daha difaaca Soomaaliya. Labada dhinac waxa ay sheegeen in ay ka go’antahay sii wadista wadashaqeynta ka dhaxeysa ee ku aaddan doorashooyinka soo socda iyo horumarinta dimoqraadiyadda Soomaaliya iyadoo loo marayo dib u habeynta dastuurka, garsoorka iyo xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka guddoomiyay ka sokow, waxaa DFS shirka uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka Midowga Yurub waxaa hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ay wehliyeen Safiirrada Jarmalka, Finland, Spain, Italy, Sweden, Denmark iyo Ireland. Waxaa sidoo kale wehliyay taliyeyaasha howlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR, EUCAP iyo EUTM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale