Maamulka Gobolka Banaadir oo Hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa yiri, “Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan maamulka gobolka Banaadir waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo  Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ay maanta doorteen Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle”.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale yiri, “maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho waxa ay diyaar u yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale wuxuu u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...