Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Mudane Dr. Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa maanta oo arbaco ah waxaa uu kulan lagu xoojinayo sugida amaanka la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyadoo waqti yar uun ay harsantay doorashada hogaanka sare ee Hirshabeelle.
Guddoomiyaha ayaa waxaa xubnaha oo la kulmay ka mid ahaa taliye ku Xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Hirshabelle iyo Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Abshir Maxamuud shataqeey waxaana uu kula dar daarmay in sii xoojiyaan sugida amaanka.
“Waxaa xafiiskayga ku qaabilay maanta taliye ku xigeenka ciidanka booliska Dowlad goboleedka Hirshabelle iyo taliyaha guutada 3-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Abshir Maxamuud shataqeey waxaana kula dar daarmay in la xoojiyo sugidda Amniga deegaannada dowlad goboleedka Hirshabelle.