Wasiirka Shaqada JFS oo la kulmay Agaasimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta Kulan kula qaatay xafiiskiisa Agaasimaha Hay’adda QM u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya, Cesar Arroyo.

Labada dhinac ayaa Kulankooda waxaa ay diirada ku saareen Adkeenta Xariirka iyo Wadasheynta, waxaana laysku afgartay in ay muhiim tahay in qorshayaasha iskaash iyo shaqooyin ee Wasaarada iyo hay’aduba la dar dar geliyo.
Mr Cesar Arroyo Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Wasiirka Barnaamijyo dhowr ah oo ay WFP qorsheynayso in Dalka ay ka fuliso waxuuna dhankiisa boggaadiyay shaqooyinka Wasaaradda iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeya.
Dhanka kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in WFP ay dalka howlo badan oo gargaar iyo barnaamijyo hormarineed ay ka wado waxuuna intaasi ku daray in hada la doonayo sidii loo xoojin lahaa islamarkaana loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda ee uu ugu horreyso barnaamijka Baxnaano kaas oo ay Hay’addu wakiil uga tahay Wasaaradda, daahfurnaantiisa iyo siduu ku gaari lahaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay in wasaaradu ay qorsheynayso sidii laysaga kaashan lahaa  dadaalada lagu dardargelinayo howlaha muhiimka ee Arrimaha Bulshada, iyadoo diiradda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha bulshada danyarta ah iyo qorshayaasha shaqo abuurka loogu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo La’aantu hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...