Wasiirka Shaqada JFS oo la kulmay Agaasimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta Kulan kula qaatay xafiiskiisa Agaasimaha Hay’adda QM u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya, Cesar Arroyo.

Labada dhinac ayaa Kulankooda waxaa ay diirada ku saareen Adkeenta Xariirka iyo Wadasheynta, waxaana laysku afgartay in ay muhiim tahay in qorshayaasha iskaash iyo shaqooyin ee Wasaarada iyo hay’aduba la dar dar geliyo.
Mr Cesar Arroyo Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Wasiirka Barnaamijyo dhowr ah oo ay WFP qorsheynayso in Dalka ay ka fuliso waxuuna dhankiisa boggaadiyay shaqooyinka Wasaaradda iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeya.
Dhanka kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in WFP ay dalka howlo badan oo gargaar iyo barnaamijyo hormarineed ay ka wado waxuuna intaasi ku daray in hada la doonayo sidii loo xoojin lahaa islamarkaana loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda ee uu ugu horreyso barnaamijka Baxnaano kaas oo ay Hay’addu wakiil uga tahay Wasaaradda, daahfurnaantiisa iyo siduu ku gaari lahaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay in wasaaradu ay qorsheynayso sidii laysaga kaashan lahaa  dadaalada lagu dardargelinayo howlaha muhiimka ee Arrimaha Bulshada, iyadoo diiradda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha bulshada danyarta ah iyo qorshayaasha shaqo abuurka loogu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo La’aantu hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...