Kulan Xog Uruurin ah iyo Aragtada ay ka qabaan Bulshada Dib u Eegis lagu sameynayay Qodobada Dastuurka oo Baydhabo loogu qabtay+(SAWIRRO)..

Date:

Si loo uruuriyo Aragtida ay ka qabaan Qodobada Dastuurka ee dib u eegista lagu sameeeyay Ururada Bulshada ee Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Baydhabo lagu qabtey shir wadatashi oo looga hadlayey dib u eegista qodobada qaar.

Waxana shirka ka soo qeyb galey wasiirka Dastuurka Dowladda Fedaralka Soomaaliya ,wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, Hay’adaha loo xilsaarey dib u eegista Dastuurla dalka, Aqoon yahano , iyo Ururada Bulshada ra’idka Magaalada Baydhabo.

Maxamed Abdiraxiin wasiirka Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka soo qeyb galiyasha ku booriyay in soo bandhigaan Araktidooda Saliimka ah

Xildhiban cusmaan Xaaji iyo Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Madax banan ee Dastuurka Muumino Sheikha Cumar ayaa ka warbixiyay qodobada ay wadatashiga kala yeelan doonan bulshada Baydhabo.

Intaas ka dib waxaa halkaasi Ururada Bulshada ra’idka ay ku soo bandhigeen Araktidooda iyo qodobada qaar oo ay su’aal ka qaban iyadoona Madaxda Hay’adaha dastuurka dib u eegistiisa loo xilsaarey ay si toos ah mid kasta su’aashiisa ugu jawaabeyay.

Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn shirka soo xirey.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...