Hadal jeedinta Murashixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo la filayo in maanta jowhar ay dhacdo.

Date:

Murashixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay ka hor jeediyaan Khudbadahooda,xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulkaasi Waxaana Magaalada Jowhar si weyn looga dareemayaa Qaban qaabada Doorashada Madaxda sare ee Hirshabeelle.

Murashixiinta isku diiwan galiyay qabashada Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo bandhigi doono waxqabadkooda, waxaana ilaa hadda isi-soo sharraxay afar murashax oo kaliya, kuwaas oo u tartamaya jagada Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweeynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ayaa Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha, Musharax Yuusuf Axmed Hagar iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M dheere) oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Waxaa la filayaa in Berri oo Arbaco ah in la gudo galo doorashada Madxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...