Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Date:

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah dal walaalo ah isla markaana ah saaxiib U dhaw Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada, iyadoo taageereysa dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada.

Soomaaliya waxay taageereysaa dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka si nabad ah, waxayna ku baaqeysaa is xakameyn si looga hortago sii hurinta xiisadaha.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqeynta iyo isku duwidda dadaallada ay la leedahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...