Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta u soo xiray tababar diblomaasiyadeed 19 hablood oo howlwadeenno ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta u soo xiray tababar diblomaasiyadeed oo muddo labo todobaad socday 19 hablood oo howlwadeenno ka ah 14 Waaxdood ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo munaasabadda xiritaanka ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Wasiir Cawad ayaa uga mahadceliyay tababarayaasha mutadiwiciinta ah ee Machadka dadaalkooda ay ku kobcinayaan xirfadda shaqaalaha, isagoo tilmaamay in tababarayaal Sweden ah ay tababari doonaan tababarayaasha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si xirfaddooda loo xoojiyo, shaaciyayna muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha la baro far-qoridda Af Soomaaliga si ay u saxaan higgaada si looga fogaado khaladaad luqadeed , iyadoo isla markaana la barayo afaf khalaad oo ka qeyb ah istiraatiijiyadda u adeegaysa siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa sheegay in Machadka uu qabtay seddex tababar tan iyo markii dib loo furay 2 Disember, 2019, tababarna uu u fidiyay 45 shaqaale oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...