Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo soo saaray qoraal uu uga hadlaayo xaalada ka taagan dalkaasi.

Date:

Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo itoobiya ay gasho uu yahay mid aan xaqiiq ku fadhin.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dowlada itoobiya ay abaal u heyso saaxiibada walaaca ka muujinaya xaalada itoobiya iyo in ay lugaha la gasho qalalaase .

Howlgalka ciidanka itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega ayuu ku tilmaamay mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadaan cadaaladana ay wajahaan qas wadayaasha.

Howlgalkeena meel marinta nidaamka sharciga waxaan u nahay dal madax banaan oo awood u leh in uu maareeyo arimihiisa gudaha ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegay in dhawaan ay soo afjarayaan howlgalka ka socda gobalka tigreega.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...