Joe Biden oo loo doortay Madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka.

Date:

Musharaxa Xisbiga Demoqoraadiga Joe Biden oo soo noqday madaxweyne ku xigeenka Maraykanka muddo xileedkii Obama ayaa ku guulaystay madaxtinimada dalkaas, ka dib maalmo ay natiijada codadka ee gobollada Maraykanka ku loolamayeen madaxweyanaha waqtigiisu dhammaaday ee Donald Trump.

Joe Biden ayaa codadka Ergada gobollada Maraykanka ee loo yaqaan Electoral Collage ka helay 290, halka Trump uu helay 214, balse Biden ayaa u baahnaa 270-cod oo kali ah.

Dhinaca kale codadka ay dhiibteen shacabka Maraykanka ayuu Joe Biden oo 78-jir ah ka helay in ka badan 74.8-milyan oo cod, halka Trump oo xisbiga Jamhuuriga ah uu helay ilaa 70.5-milyan oo cod.

Telefeshinnada waawayn ee Maraykanka sida CNN iyo Fox News ayaa baahiyey guusha Joe Biden iyo dabbaal dagyada ay samaynayaan taageerayaashiisa, sidoo kalena taareegayaasha Trump ayaa ka carooday sida ay wax u dhacayaan, waxaana la arkayey ciidamo hubaysan oo hortaagan, si ay u ilaaliyaan xasiloonida iyo kala dambaynta.

Gudiga FEC (Federal Election Commission) ee Maraykanka ayaa laga sugayaa natiijada kama dambaysta ah ee doorashada.

Trump oo maalayey Maraykanka 4-tii sano ee ugu dambaysay ayaa lagu dhaleeceeyey siyaasadiisa ad adag ee ku wajahan dadka madawga ah iyo dalalka Islaamka, waxaana taasi ay sababtay in doorashadii dhacday 3-da bishan in looga adkaado.

Biden ayaa aqalka cad u wareegi doona dhawaan, waxaana uu xilka la wareegi doona bisha January ee sanadka soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...