Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeyn xoojinta iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal, hirgelinta heshiis horey u dhex maray labada dhinac, taageerida iyo dhiirigelinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyo sidii dowladda Masar ay uga faa’iideysan lahayd wax soo saarka dalka, gaar ahaan Mooska oo dib ugu soo laabaty suuqyada caalamiga ah.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in safiirka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga, maadaama 2017-kii aan heshiis iskaashi la galnay Wasaaaradda Beeraha Masar, runtii wax badan ayaan ka wada hadalnay”. Ayuu yiri Wasiirka Beeraha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in Dalka Masar ay ka jirto suuq fiican oo dhanka mooska ah, sida uu noo xaqiijiyay Safiirka Masar ee Soomaaliya, ayna xoogga saari doonaan wax soo saarka Mooska si loogu dhoofiyo dalka Masar.

Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Nasar ayaa sheegay inay marwalba garab taaganyihiin Soomaaliya, isla markaana ay qeyb ka qaadaan doonaan horumarinta beeraha Soomaaliya iyo kobcinta wax soo saarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...