Haweenka Hirshabeelle oo taageeray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle+(SAWIRRO).

Date:

Kulankani ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Haweenka Hirshabeelle ee ku nool magaalada Jowhar ayaa u jeedkiisu ahaa taageeridda guddoonka Baarlamaanka Hirshaeelle oo dhowaantaan ay doorteen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka,iyo xaquuqul Insaanka Hirshabeelle, ayaa muddadi uu socday kulanka waxay haweenku diiradda ku saareen hambalyada guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay ka rejeeynayaan ilaalinta xaquuqda Haweenka uu dhigayo Dastuurka Hirshabeelle.

Ugu horeeyn waxaa goobta ka hadashay Maryan Maxamed Kuuloow oo ka mid ah Haweenka Hishabeelle. waxayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay guddoonka cusub ee Hirshabeelle.

Sacdiyo Maxamed Nuur oo ah siihayaha xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka Hirshabeelle ayaa sheegtay in guddoonka cusub ee Baarlamaaka Hirshabeelle ka rajeynayaan in u u dhowro xaquuqda haweenka Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...