Go’aan Dowlad KMG ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega oo la ansixiyay.

Date:

Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ee looyaqaan β€œhouse of federation in ethiopia” ayaa maanta ansixiyay go’aan dowlad kumeel gaar ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega ee dalkaasi Itoobiya.

Qaraarkan uu Aqalka sare meel mariyay ayaa ka dhigan in la badalayo golaha fulinta iyo sharci dajinta ee gobalka Tigreega kaas oo hadda jira islamarkaana Β la sheegay in aanay sharci ahayn.

Dowladda ku meel gaarka ayaa ka shaqeyn doonta dhisida xubnaha fulinta,meel marinta miisaaniyadda gobolka iyo diyaarinta doorashooyinka ismaamulka Tigreega.

Si kastaba Aqalka sare ayaa horay u joojiyay wada shaqeyntii maamulka hadda ka jira Dhulka Tigreega, waxayna ku tilmaameen kuwo aan dastuurka waafaqsaneyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale