Go’aan Dowlad KMG ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega oo la ansixiyay.

Date:

Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ee looyaqaan “house of federation in ethiopia” ayaa maanta ansixiyay go’aan dowlad kumeel gaar ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega ee dalkaasi Itoobiya.

Qaraarkan uu Aqalka sare meel mariyay ayaa ka dhigan in la badalayo golaha fulinta iyo sharci dajinta ee gobalka Tigreega kaas oo hadda jira islamarkaana  la sheegay in aanay sharci ahayn.

Dowladda ku meel gaarka ayaa ka shaqeyn doonta dhisida xubnaha fulinta,meel marinta miisaaniyadda gobolka iyo diyaarinta doorashooyinka ismaamulka Tigreega.

Si kastaba Aqalka sare ayaa horay u joojiyay wada shaqeyntii maamulka hadda ka jira Dhulka Tigreega, waxayna ku tilmaameen kuwo aan dastuurka waafaqsaneyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...