Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa+(SAWIRRO).

Date:

Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakim luqmaan Xaaji Muxumed, waxuuna ajendahu ahaa Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Golaha waxaa soo xaadiray ilaa 74 xildhibaan Cod qaadis gacantaag ah oo loo sameeyay Gudiga ayaa waxaa oggolaatay 71, halka 2 mudane ayaa diiday iyadoona 1 xildhibaan uu ka aamusay, waxaana sidaasi ansax ku noqday Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa waxaa horyaalla sameynta jadwalka doorashada, iyadoona dhawaan la filaa iney ku dhawaaqaan jadwalka doorashada inkastoo waqtigu uu koobanyahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...