Ayax ku habsaday islamarkaana xaalufiyay beero ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Date:

Ayax fara badan oo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku habsaday dhu beereedka ku yaalla gobolkaas, gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga.

Ayaxa ayaa baabi’iyay dalagyada sanadkan la beeray Galeyda, Digirta, Sisinta iyo dalagyada kale ee ka baxa beeraha, wuxuuna sidoo kale baabi’iyey daaqsinkii xoolaha, taas oo ay ka dhalan karto dhibaatooyin cunna yari.

Malaaq C/llaahi Suleymaan Cumar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in iyadoo ay ku dhibanyihiin fatahaada webiga shabeelle uu ka geystay deegaanka iyo cudurada ka dhasha, hadda ugu darsantay Ayaxa oo xaalufiyay dalagyadii ay beerteen.

Malaaq C/llaahi ayaa dowladda federaalka,maamulka Koofur galbeed iyo Hay’adaha samafalka ka codsaday in laga soo gaaro dadka ku nool Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu sheegay in beerihii ay tacbadeen qaarna fatahaada webiga ay goysay kuwa kalena Ayaxu xaalufiyay.

Ayaxa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay wuxuu soo gaaray gobolka Shabeellaha dhexe balse hadda wuxuu usoo talaabay shabeellaha hoose,waxeyna dadku wajahayaan xaalado adag oo fatahaadu qeyb ka yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...