Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Garoowe kula kulmay Madaxwayne ku-xigeenka Puntland.

Date:

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya S/gaas. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay Ku-simaha Madaxweynaha  ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulankaan ayay labada dhinac uga wada hadleen sugidda amniga goobaha ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Puntland .

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta qaybaha Booliiska ee dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

“Waxaan ka wada hadalnay taliya Booliiska Somaaliya S/gaas. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar sugidda amniga goobaha ay doorashada ka dhacayso iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Booliiska dalka” ayuu yiri Axmed Karaash madaxwayne ku xigeenka Puntland

Dhanka kale taliye Xijaar) ayaa maanta  kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto doorashada xubnaha golaha Shacabka BFS ee ka imaanaya Puntland.

Taliyaha Booliiska waxaa komeerkiisa ku wehliyay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto. Ceydiid Axmed Nuur, iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland.

Sidoo kale wuxuu kormeer ku tagay qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliiska Puntland ay ku shaqeyaan, isla markaana saraakiisha maamulka ku amaanay sida wanaagsan ay habeen iyo maalinba shacbiga ugu adeegayaan.

Kormeerkaan ayaa ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, maadaama Garoowe ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHCABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY HESHIISKII LAGU DHISAY URUR GOBOLEEDKA IGAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan oo gaaray dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ku sii qul-qulaya dhulka...

Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim...