Xildhibaanada Cusub ee Hirshabelle oo la dhaariyay iyo Gudiga (KMG) ee Doorashada oo la magacaabay.

Date:

Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta la dhaariyay, Dhaarinta ka dibna waxaa ay xildhibaanada, Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha KMG ah ee shir guddoomin doona inta laga soo dooranayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ku doortay Maxamuud Siyaad Barqadle si hore loogu sii wado Arrimaha doorashada madaxda Hirshabeelle oo muddo xiloodkoodi uu dhamaaday.

Dhanka kale Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah (KMG) ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Xildhibaan, Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa isna magacaabay guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka Hirshabelle.

Gudigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa Gudoomiye looga dhigay Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan Macalin Jeelle waxayna shaqadoodu tahay ka shaqaynta sidii loo qaban lahaa doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Hoos ka aqriso Magacyada Gudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...