Xildhibaanada Cusub ee Hirshabelle oo la dhaariyay iyo Gudiga (KMG) ee Doorashada oo la magacaabay.

Date:

Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta la dhaariyay, Dhaarinta ka dibna waxaa ay xildhibaanada, Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha KMG ah ee shir guddoomin doona inta laga soo dooranayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ku doortay Maxamuud Siyaad Barqadle si hore loogu sii wado Arrimaha doorashada madaxda Hirshabeelle oo muddo xiloodkoodi uu dhamaaday.

Dhanka kale Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah (KMG) ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Xildhibaan, Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa isna magacaabay guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka Hirshabelle.

Gudigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa Gudoomiye looga dhigay Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan Macalin Jeelle waxayna shaqadoodu tahay ka shaqaynta sidii loo qaban lahaa doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Hoos ka aqriso Magacyada Gudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...