Kusimaha duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo isku xirta bartamaha magaalada Muqdisho ”SAWIRRO” iyo Muuqaalka Warka.

Date:

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda mudane, Axmed Xasan Iimaan ayaa dhagax dhiggay waddada isku xirta Ex hotel Shabeelle siina marta afaafka hore ee beerta nabadda illaa isbitaalka Martiini.

Waddadan oo aan dayactir helin 30kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhagax dhigidda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka howlaha guud mudane Cumar Cali Cabdi iyo arrimaha bulshada Marwo, Basma Caamir Axmed (Jakeetti),

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya dib u dhiska waddooyinka caasimadda si dib loogu soo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay caasimadda dalka.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Warkan:-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...