Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey G/Hiiraan.

Date:

Qeybta 27-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee gobalka Hiiraan, waxa ay kaga hor tageen isku day ay maleeshiyada Al-shabaab ku doonaysay inay halkaasi shacabka dagan uga qaado lacago baad ah oo ay Zako ku magacaabeen.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa qof rayid ah oo amarkooda diiday ku dhaawacay Isgoyska Filaay oo 25-km dhinaca woqooyi ka xiga degmada Maxaas, taas oo keentay inay ciidamadu halkaasi tagaan, kana cayriyaan maleeshiyaadka sida dhuumaalaysiga ah ku soo galay, sidaasi waxaa warbaahinta Qaranka u sheegay Ammaanduulaha guutada 5-aad ee qaybta 27-aad Kornel Cabdullaahi Barre.

Ammaanduulaha ayaa xusay inay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab, iyagoo hubinaya in wadooyinka Maxaas iyo deegaanada ku xeeran ku xira Baladwene in si nabadgalyo ah shacabku ku maraan.

Kornel Cabdullaahi Barre waxa uu digniin u diray dadka xilliyada qaar isku daya inay isbaaro dhigtaan jidkaasi, isagoo xusay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo sharci darro ah, caqabadna ku noqon karta hawlaha amniga gobolka Hiiraan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...