Ciidamada amniga Sacuudiga oo ka hor tagay gaari doonayay in uu xoog ku galo Xaramka.

Date:

Riyadh-(SONNA)- War ka soo baxay Saraakiisha Amniga Sacuudiga ayaa lagu sheegay in maanta oo Sabti ah ay ciidamada qaabilsan sugidda amniga goobaha barakaysan ee Ku yaalla Sacuudiga ay gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay  Sacuudiga oo gaari uu watay si xoog ah isku dayay inuu ku galo Xaramka.

Saraakiisha ayaa sheegay in muwaadinka watay gaariga uu ahaa qof madaxa looga jiro, iyagoo qiray in isku daygaas aysan waxyeello ka dhalan.

“Albaabka 89-aad ee Xaramka ayaa laga hor istaagay gaari nooca raaxada ah oo isku dayay in uu xoog ku galo Xaramka shalay oo Jimco ahayd” ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay hayadaha ammaanka sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...