Ra’iisul-wasaare ku-xiggeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilqaan ee horay loogu dhisay goobaha danta guud ee burburay dagaallada, intii ay dadka Soomaaliyeed sugi lahaayeen in dalkooda u dhisaan gacmo shisheeye.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa tilmaamay in fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan ay kamid ahayd haldoorkii Soomaaliyeed ee kaalinta wanaagsan ka soo qaatay difaaca iyo horumarka dalka, dowladda Soomaaliyana ay mudnaan gaar ah siineyso halgamayaasha bulshada.

“Dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxuu kamid yahay xarumaha lagu dhisayo barnaamijka guuleystay ee isxilqaan oo ku yimid hal abuurkii Madaxweynaha, waxaana dadka Soomaaliyeed xasuusinayaa gacmahood in ay ku dhistaan dalkooda, intii ay sugi lahaayeen shisheeye”.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Maareeyaha Wakaallada dhismaha Qaranka, Maareeyaha Tiyaatarka, Ehellada fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo marti Sharaf kale.

 

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...