Saddex qof oo lagu dilay magaalada NICE ee Koonfurta Dalka Faransiiska “SAWIRRO”

Date:

Seddex  qof ayaa ku dhimatay magaalada NICE ee koonfurta dalka Faransiiska kaddib markii nin uu tooreey weeraray goob kaniisad ah.

Ninka weerarka geystay ayaa ku qeylinayay Allahu Akbar sida ay sheegeen booliska, waxaana uu qoorta ka jaray qof dumar ka hor inta uusan weerarin Kaniisad ku taala magaalada NICE

Duqa magaalada NICE Christian Estrosi ayaa weerarkan ku tilmaamay mid argaxiso, wuxuuna sheegay in boolisku xireen, isaga oo dhaawac ah qofkii weerarka fuliyay.

Waxaa la xiray aaga uu wararka ka dhacay halkaas oo iminka ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka ah ee la dagaalama argagaxisada iyo boolis fara badan .

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aaday magaalada si uu xaalada ula socdo.

 

 

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...