Mareykanka oo diiday inay Gabar madow ah ay maamusho hey’adda WTO.

Date:

Qorshihii ahaa in wasiirkii hore ee Maaliyadda Nigeria loo magacaabo agaasimaha heyโ€™adda Ganacsiga Adduunka ee WTO ayaa meesha ka baxay, markii Mareykanku ka hor yimid qorshahaas.

Arbacadii ayaa 164 xubnood oo ururkan goโ€™aamiyeen in Ngozi Okonjo-Iweral ay noqoto madaxa heyโ€™adda WTO, taas oo noqon laheyd haweeneydii ugu horeysay iyo Afrikaankii ugu horreeyay oo WTO hoggaamiya.

Mareykanka oo WTO si weyn ugu dhaliilsan sida ay u maareyso ganacsiga adduunka ayaa doonaya in heyโ€™adda loo dhiibo gabar Koofur Kuuriyaan ah oo la yiraahdo Yoo Myung-hee, taas oo ay aaminsan yihiin in isbedel ku sameyn karto WTO.

Hanaanka magacaabista agaasimaha guud ee WTO ayaa socday affar bilood, laakiin hadda waxay u muuqataa in Mareykanku uu diiday, maadaama ay taageersan yihiin wasiirka ganacsiga Koofur Kuuriya.

Wakiilka Mareykanka ee WTO oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku taliyay in siyaasadda ganacsiga ee ururka isbedel lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay qof si dhab ah u hogaaminaya kaas oo leh waaya-aragnimo balaaran.

โ€œMs Yoo waxay leedahay shakhsiyad gaar ah, waa khabiir ganacsi oo leh xirfadaha lagama maarmaanka u ah hogaaminta heyโ€™adda โ€œ, ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lagu yiri: โ€œHadda WTO iyo ganacsiga dunida wuxuu ku jiraa xilli adag. Ma jiro wax wadaxaajood ah oo ku saabsan ka wada shaqeynta tariifooyinka muddo 25 sano ah, hanaanka xalinta khilaafaadka faraha ayuu ka baxay, dalal yar ayaa fuliya mabaadiโ€™da aas aaska ah ee waajibaadka iyo hufnaanta ururka. WTO waxay si aad ah ugu baahan tahay in isbedel micno leh lagu sameeyo.โ€

Hase yeeshee, qoraalka ka soo baxay Mareykanka laguma xusin magaca gabadha reer Nigeria ee Okonjo-Iweala.

Arbacadii wufuudda xubnaha WTO ayaa waxaa ay ka doodeen magacaabista agaasimaha cusub, afhayeenka ururka Keith Rockwell ayaa sheegay in uusan jirin wadan taageerey Okonjo-Iweal.

โ€œDhammaan wufuudda waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hanaanka maanta socda, wayna taageereen natiijada marka laga reebo hal wadan,โ€ ayuu yiri.

Mr Trump ayaa WTO ku sifeeyay mid dhibaato isla markaana u janjeerta dhinaca Shiinaha, Trump waxaa uu horey u joojiyay arrimo badan oo ururka khuseysa oo ay kamid tahay magacaabista agaasimaha.

Si kastaba, kulanka ugu dambeeyay oo lagu goโ€™aaminayo agaasimaha ayaa qabsoomi doona 9 bisha November ka dib doorashada madaxtinimada Mareykanka, in Washington diiday gabadha reer Nigeria micnaheeda ma ahan in aan loo magacaabi doonin xilka WTO, laakiin Mareykanku waxay saameyn ku leeyihiin goโ€™aanka kama dambeysta ah ee ururka.

Mr Rockwell ayaa war fidiyeenka u sheegay in Ms Okonjo-Iweala ay taageero ka heysato dalalka Midowga Yurub.

WTO hadda waxaa hogaaminaya affar agaasime ku xigeen ka dib markii bishii August uu iscasilay agaasimihii ururka Roberto Azevedo.

Ms Okonjo-Iweala, 66 sano jir ah, ayaa soo qabatay xilka wasiirka Maaliyadda Nigeria sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ayay ahaan jirtay, waxay leedahay waaya-aragnimo ka badan 25 sano, iyadoo la soo shaqeysay Bankiga adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...